Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista agaasime iyo gole cusub + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
358678704_284923160861039_61920163355084

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, kaas oo looga hadlay arimo dhowr ah.

Waxaa sidoo kale shirka soo xaadiray inta badan xubnaha golaha, inkastoo uu ka maqnaa ra’iisul wasaare Xamza oo maanta ku biiray shirka madaxda dowladda iyo kuwii hore.

Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyay Axmed Saciid Maxamed oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.

Axmed Saciid ayaa beddalaya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ah agaasimihii hore ee hay’adda, kaas oo isku casilay fadeexo ka dhalatay musuq-maasuq lagu soo eedeeyay.

Sidoo kale Axmed Saciid ayaa isna kasoo jeeda beesha Ceyr, si la mid ah labadii agaasime ee ugu dambeeyey ee ka horreeyey.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel-maariyay soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

Dhanka kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa isla maanta lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Waxbarashada, ayaa dhankooda goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Warbixin la xiriirta howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan Jubbooyinka ayay golaha la wadaageen Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

359826148_284923140861041_70110724767609 358678704_284923160861039_61920163355084 358688267_284923084194380_26442649677695 358707336_284923094194379_28239003917981 359441819_284923164194372_52021944505258

The post Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista agaasime iyo gole cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this