Deeq A. Posted July 13, 2023 Iran ayaa shalay u yeertay safiirka Ruushka ee dalkeeda fadhiya, ka dib markii ay xukuumadda Moscow ay bilawgii toddobaadkan bayaan wada-jir ah la soo saartay qaar ka mid ah dalalka Carabta, bayaankaas ayay ku jireen qodobo taabanaya jaziiradaha muranku ka taagan yahay ee ku yaalla gacanka Persia. Tallaabadan ayaa ka mid ah, khilaafka dhif iyo naadirka ah ee dhexmara Iran iyo Ruushka, iyada oo xidhiidhka labada dal uu sii xoogaysanayey, tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine. Iran ayaa siisay dalka Ruushka, diyaaradaha ay samayso ee aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo Moscow ay u adeegsatay duqaymaha ay ka geysato dalka Ukraine. Sidoo kale labada dal ayaa si weyn u taageera xukuumadda Bashar al-Asad. Wakaaladda wararka ee dalka Iran ayaa sheegtay in loo yeedhay danjiraha Ruushka si wax looga weydiiyo bayaankii wada jirka ahaa ee la soo saaray Isniintii, ka dib kulankii dhexmaray Ruushka iyo dalalka Khaliijka ee ay ka midka yihiin Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Kuwait, Qatar, Baxrain iyo Cumaan. Bayaanka, waxay wasiiradu ku caddeeyeen inay taageersan yihiin dedaallada lagu doonayo in xal nabadeed laga gaadho, xaaladda ka taagan jaziiradaha saddexda ah ee kala ah, Greater Tunb, Lesser Tunb iyo Abu Musa, iyada oo loo marayo wada-xaajood laba dhinac ah ama in kiiska la geeyo maxkamadda caddaaladda ee dunida, ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay shirka, sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Sucuudigu. PUNTLAND POST The post Xiisad cusub oo ka dhex curatay Iran iyo Ruushka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites