Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kulan gaar ah ka yeeshay xiisadda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689229997210.jpg?resize=720%2C48

Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay guriga Islaanka ee magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Islaanka iyo madaxweynaha oo saacado qaatay looga hadlay xal u raadinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku muransan arrima la xiriira furista dastuurka iyo hubanti la’aanta ka taagan qabsoomidda doorashada 2024.

Khilaafka labada dhinac ayaa sababay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe kadib markii Baarlamanka Puntland u codeeyay furista dastuurka oo ay diidan yihiin mucaaradka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kulan gaar ah ka yeeshay xiisadda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this