Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Puntland oo diyaariyay dacwad ka dhan ah furista dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_Arms.p

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa sheegaya in ay diyaariyeen dacwad ka dhan ah furista dastuurka Puntland.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diiddan furista dastuurka ayaa saaka ku sugan xarunta maxkamadda dastuuriga ah ee magaalada Garoowe.

Xiriir aan la samaynay waxay noo sheegeen in ay maxkamadda dastuuriga ah u gudbinayaan dacwad ka dhan ah furista dastuurka oo ay ku muransan yihiin xukuumadda iyo mucaaradka.

Dacwadda waxa kale oo  ku qoran sida ay xaqiijiyeen eedaymo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Deni oo u ololaynaysa arrinta wax ka beddelka dastuurka.

Siyaasiyiinta saaka ku sugan xarunta maxkamadda dastuuriga ayaa sidoo kale sheegaya in ay weli la’ yihiin cid ka qabata dacwadda si ay ugu gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah.

PUNTLAND POST

The post Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Puntland oo diyaariyay dacwad ka dhan ah furista dastuurka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this