Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Jubbaland oo wasiir muhiim ah u dirtay gobolka Gedo iyo qorshaha socda

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Madoobe-scaled.jpeg?fit=2560%2C170

Baardheere (Caasimada Online) – 3-sano kadib markii ugu horeysay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Oogle ayaa gaaray gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay u soo gacan galay Jubbaland.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiir Oogle ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, isagoo isla maanta dhagax-dhigay dib u dhis ay Jubbaland ku sameyneyso isbitaalka guud ee degamadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka reer Baardheere iyo guud ahaan bulshada reer Gedo ka balan-qaaday in wasiirrada ugu muhiimsan maamulka uu keeni doono gobolka, si looga hirgeliyo mashaariic hormarineed.

3-dii sano ee lasoo dhaafay Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada ama xubnaha kale ee Jubbaland ku metela gobolka Gedo.

Hase yeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas.

Siyaasiyiintii awooda ku maamuleysay Gedo sanadihii lasoo dhaafay ayaa qaar si hoose loogu qanciyey maamulka Axmed Madoobe, halka xubnaha qaar awood loo adeegsaday.

Maalmo ka hor waxaa hawada gobolka Gedo laga celiyey diyaarad dooneysay inay Garbahaarey ka dejiso masuuliyiinta maamulka cusub ee Jubbaland ay u magacowday gobolkaas.

Balse inta badan xubnihii uu soo magacaabay Axmed Madoobe ayaa safarro dhulka ah maalmihii lasoo dhaafay ku galay degmooyinka gobolkaas, kuwaas oo taageero ka helay inta badan bulshada reer Gedo, markii ay u bandhigeen qorshaha ay ku hoggaami doonaan dadka.

Hadda waxaa bilaabatay in siyaasiyiinta kale sida wasiirrada ka soo jeeda gobolkaas eek a tirsan Jubbaland ay tagaan degmooyinkii sanadaha badan laga hor taagnaa ee gobolka Gedo, kadib dadaal dheer oo maamulka Axmed Madoobe uu sameeyey, kaas oo dowladda federaalka ay ku garab siisay.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Jubbaland oo wasiir muhiim ah u dirtay gobolka Gedo iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this