Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta oo La Kulmay Mas’uuliyiin ka Tirsan Hay’adda Concern Worldwide

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay wehliyaan Lataliya-sare iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka soctay Hay’adda caalamiga ah ee Concern Worldwide xafiiskeeda Soomaaliya.
Kulankaan ayaa wuxuu daarnaa isbarasho labada dhinac ah iyo iyadoo la isla fahmay in la adkeeyo xiriirkii iyo iskaashigii hore uga dhaxayn jiray Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Concern Worldwide, waxay sidoo kale labada dhinac isla fahmeen sida ay lagama-maarmaanka u tahay in meel looga soo wada jeesto sidii bulshada tabaaleeysan looga samata bixinlahaa dhibaatooyinka noloshooda ragaadiyay.
Waxyaabaha kale ee shirka looga wada hadlay waxaa iyadana kamid ahaa sidii loo xaqiijin lahaa joogteeynta xiriirka labada dhinac iyo in la iska kaashado dhinacyada ay ka midka yihiin bixinta digniinaha hore si ay u suurta gasho in goor hore jawaab laga bixiyo musiibada dhacda.
347587193_731364739030135_42266341424257Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this