Deeq A. Posted July 12, 2023 Madaxweynaha Dalka Iran Ebrahim Raisi, ayaa booqasho ku jooga Dalka Kenya isaga oo la kulmay dhiggiisa Kenya William Samoei Ruto. Labadda Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo xoojinta wax loogu yeedhay xidhiidhka Ganacsi ee ka dhaxeeya sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Kenya xili ay kala saxeexdeen heshiisyo. Madaxweynaha Dalka Iran Ebrahim Raisi, ayaa markii ugu horaysay safar ku marmaraya dalal ku yaalla Qaaradda Afrika, kaas oo lagu xoojinayo xidhiidhka Tehran iyo Qaaradda oo aan cago xooggan oo hore ku taagneyn. Dalka Kenya ayaa kamid ah Dalalka Afrika ee xidhiidhka wanaagsan la leh dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka oo ay aad u kala fog yihiin Iran. Source Share this post Link to post Share on other sites