Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Maaraynta Deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 1-aad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS Khadiijo Maxamed Almakhsuumi, ayaa Sanatarrada Aqalka sare u faahfaahiyay muhiimiyadda uu Dalka u leeyahay sharciga ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.
Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka si ay uga soo gutaan waajibaadka ka saran Golahana ay dib ugu soo celiyaan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this