Sign in to follow this  
Deeq A.

Cilmi-baarayaal u dhashay Japan oo hindisay dawo dib u soo saarta ilkaha bani’adamka

Recommended Posts

Deeq A.   
8ca5b7f0-2074-11ee-941e-23d1e9ab75fa.jpg

Dawo loogu tala galay inay dib u soo saarto ilkaha bani’aadanka ayaa tijaabo gali doonta horraanta sannadka soo socda.

Dawadan oo haddii ay shaqayso wax weyn soo kordhin doonta waxay rajo gelin doontaa malaayiin qof oo dhibaato ay ka haysato ilkaha.

Cilmi baareyaal Japan u dhashay oo weli aan wax magac ah u bixin dawada waxay ku rajo weyn yihiin in suuqa la soo gelin doono sanadka 2030 haddiiba lagu guuleysto.

Tijaabooyin hordhac ah ayaa muujinaya in dawadaas ay ka caawisay jiir iyo dabagaalle inay ilko u soo baxaan, waxaana sideedaba loogu tala galay in ay isticmaalaan dadka ku dhasha ilko la’aanta oo aan lahayn ilko dhammaystiran.

PUNTLAND POST

The post Cilmi-baarayaal u dhashay Japan oo hindisay dawo dib u soo saarta ilkaha bani’adamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this