Sign in to follow this  
Deeq A.

Miiska wada hadalka ayuu xalku ka iman karaa iyo Madaxweynaha oo doorkiisa qaata.

Recommended Posts

Deeq A.   

Miiska wada hadalka ayuu xalku ka iman karaa iyo Madaxweynaha oo doorkiisa qaata.

Maxaa lagu heshiin karaa

  1. In la helo Jadwal doorasho oodhinacyadu heshiis ku yihiin oo ah in labada doorasho lagu qabto muddada ka dhiman muddo xilkeedkii loo kordhiyey Madaxweynaha, 2023 ilaa 2024-ka. ☆ Mucaaradka ayaa tanaasulaya, marka qodobkan la eego.
  2. In doorashada Madaxtooyada la qabto, doorashada Ururradana lagu heshiis la raaciyo doorashada golayaasha deegaanka 2026-ka. ☆ Xukuumadda, Xisbigeeda iyo Ururrada ayaa tanaasul muujinaya marka qodobka la eegayo.
  3. In la isku afgarto in laba doorasho la isku sidko, oo xeerkii Kartoonka la isku waafaqo meel marintiisa. Ururraduna u tartaam doorasho Ururro, xisbiyadu doorasho madaxtooyo. ☆ Dhinacyadu wixii ay doonayeen way ka wada heli karaan, qodobkan marka laga yimaado in dhinacyada qaarkood dantooda ka arki waayaan.

Qoddobadan waxa lagu heshiin karaa marka dhinacyad danahood siyaasiga ah meel ku tiiriyaan oo danta qaranka iyo soo afjarista khilaafka siyaasiga ah ee laba jirsanaya ka shaqaynayaan.

Doorka ugu muhiimsan iyo masuuliyadda dalka madaxweynaha ayey saaran yahay ka shaqaynta iyo in hormuud ka noqdo sidii looga bixi lahaa is Mari waaga siyaasaddeed ee doorashooyinka ku saabsan.

Saleban Saxansaxo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this