Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DANAB oo burburiyay goobo u dhow JILIB, dilayna madax Shabab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
347584551_731109032389039_46859693932322

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gallo dhowr ah oo ciidamada kumaandooska DANAB ee ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale oo saldhig u ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howl-galkaan oo qeyb ka ahaayeen Daraawiishta Jubbaland ayaa waxay ciidanku ku burburiyeen goobo 42-KM u jira dagmada Jilib oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaasha waaweyn ee kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay dowladda shaacisay in howl-galka lagu dilay 40 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen horjoogayaal sar-sare.

Horjoogayaasha lagu khaarajiyay howl-galka ayaa waxaa kamid ah madaxii qaraxyada Jubbooyinka Farxaan iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Mahad, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale saraakiisha kooxda Al-Shabaab ee lagu dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow, sida ay shaacisay dowladda.

Maalmo kahor unbey aheyd markii ay dowladda shaacisay in howl-gallo ay ciidamada huwanta ka fuliyeen duleedka degmada Afmadow kooxda lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in howl-galladaas lagu burburiyay saldhigyo ay kooxda ku laheyd halkaasi, laguna dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda.

“Waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

347584551_731109032389039_46859693932322

347579549_731109022389040_57646801659651

347582172_731109029055706_86757232180544

347582765_731109159055693_60565930010355

348311543_731109039055705_89765377134733

347595805_731109025722373_32459718641061

347598155_731109035722372_75770820599895

347557836_731109155722360_72332998548066

The post Sawirro: DANAB oo burburiyay goobo u dhow JILIB, dilayna madax Shabab ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this