Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka wadatashiga madaxdii hore iyo siyaasiyiinta oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
350102716_777034380495805_64361108249818

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Wada-tashiga Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ujeedkiisu yahay sidii madaxdii hore ay taladooda uga biirin lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu shirkaan kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dowladdiisa intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Shirkaan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, wuxuuna qeyb ka noqonaya barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa intood badan kasoo qeyb-galay shirka, iyada oo uu ka maqan yahay madaxweynihii hore ee Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay ka qeyb-galka shirkaan, inkasta oo uu soo dhaweeyay qabsoomidiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

Si kastaba, shirkaan u furmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa lagu wadaa in gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeed mideysan.

The post Shirka wadatashiga madaxdii hore iyo siyaasiyiinta oo ka furmay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this