Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo dalka jordan oo ka wada-hadlay iskaashiga dhanka Millatariga iyo La-dagaallanka Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
jordan3-1.jpg?resize=720%2C465&ssl=1

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Jordan (JAF) waxaa la guddoonsiiyay shahaado-sharaf ciidan oo dhameystiran, waxaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka Jordan.

Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal , iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya sanado badan wajahday dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida.

Mudane, Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka, si loo cirib tiro kooxaha Nabad-diidka ah.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo dalka jordan oo ka wada-hadlay iskaashiga dhanka Millatariga iyo La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this