Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Danab iyo Kuwa Jubbaland oo Howlgallo Ka Sameeyay Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ku gaaray deegaanno hoos yimaado degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka huwanta ayaa sheegay intii uu socday howlgalka in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana ciidanku ay ku gaareen deegaannada kala ah: Welmoorow, Caano Booro iyo Firshabeel.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaan ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo sidoo kale saanad ciidan sida ay hadalka u dhigeen.

Deegaannadaan ayaa qiyaastii 75km dhanka Waqooyi Bari kaga beegan degmada Afmadow  ee gobolka Jubbada hoose oo muddooyinkii dambe ay ciidanku howlgallo ay wadeen deegannadaas.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii dambe howlgallo ku gaaray deegaanno dhowr ah oo hoosyimaado degmada Afmadow.May be an image of 11 people

May be an image of 6 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 6 peopleGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this