Sign in to follow this  
Deeq A.

BF oo loo jeediyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=

Nairobi (Caasimada Online) – Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya usoo jeediyay in mooshin deg deg ah uu ka keeno madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soo jeedinta Garaadka ayaa imaneysa kadib markii uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

“Baarlamaanka Soomaaliya waa in mooshin ka keenaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, idinka la idin dhaariyay in aad midnimada Soomaaliya ilaalisaan, ha kaalmeynina kala go’a Soomaaliya,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo ka hadlay shirSSC uga qabsoomay magaalada Nairobi.

“Dowladiini ayaa ka shaqeynaysa kala go’a umadda Soomaaliyeed, oo na dulmineysa. Weliba Baarlamaanka Soomaaliya ee metelaya umadda Soomaaliyeed waa inuu si mug leh arrinta mooshin uga keenaa.”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay inay u yeeraan madaxda sare ee dalka, si ay wax uga weydiiyaan sababta ay Somaliland uga hortaagan yihiin cunaqabateynta caalamiga ah iyo wada-shaqeynta hoose ee dagaalka.

“Cuna-qabateyntii la saari lahaa dambiyada dagaal ee meesha ka dhacay ee wadaan Muuse iyo colkiisu wadaan inay xukuumadda Soomaaliya hortaagan tahay, inay garab ku siinayso marka si kale loo dhigo.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa in Baarlamaanka u yeero madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo wax ka weydiiyaan sababta Qaramada Midoobay u leedahay dambiyo dagaal ayaa dhacay ee ciidamada ha ka baxaan, dowladda Soomaaliya-na ay leedahay iyaga oo halkaas jooga nabad ha la raadiyo.”

Dhinaca kale, Garaad Jaamac ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka.

Ugu dambeyntiina wuxuu cadeeyey in haba yaraatee wax wada-hadal ah uusan u socon ayaga iyo Somaliland, sidoo kalena aysan arkin xal ay wado ama raadineyso dowladda dhexe.

The post BF oo loo jeediyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this