Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar: PM and Cabinet, head of Army Police...

Recommended Posts

Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maqribkii ka soo dagay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhaxe.

June 18, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

Ra’isal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubna ka tirsan labada golle ee dowladda Fedraaliga Soomaaliya ayaa maqribnimadii caawa waxa ay soo gaareen magaalada Jowhar.

Ra’isul wasaaraha inta aanay soo dagin diyaaraddii sidday waxaa ka soo horeysay diyaarad sidday xubna ka tirsan labada gole ee dowladda fedraaliga Soomaaliya oo ka koobnaa Sideed xubnood oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dowlaha madaxtooyada dowladda fedraaliga Soomaaliya Dr. Khaalid Cumar Cali, Wasiirka horumarinta Reer miyiga Maxamed Maxamud Guuleed “Gacma dheere†iyo xubna kale.

Ra’isul wasaare Geedo oo isagana diyaaraddii waday ay iyadana soo cagadhigatay magaalada Jowhar 30 daqiiqo kaddib ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii la socday Wasiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka Badda Xasan Abshir Faarax.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada Jowhar waxa ay tageen xarun loogu talagalay oo ay ku qaabilayeen siyaasiinta iyo waxgaradka magaalada Jowhar.

Wararka kale ee ka soo baxaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in tagitaanka Ra’isul wasaaraha dowladda fedraaliga Soomaaliya iyo xubnaha labada gole ay hordhac u tahay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo la filayo labada maalmood ee soo socota in uu soo gaaro magaalada Jowhar.

Ra’isul wasaare Geeddi oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi waxa uu sheegay in uu ka tagay magaalada Nairobi aanu dib dambe ugu soo laabaneen isagoo intaa ku daray in xubnaha labada gole ay kala tagayaan deegaanadii ay ka yimaadeen iyagoo bilow u ah sidii ay u nabadeyn lahaayeen deegaanada ay ka soo jeedaan iyo gobolada dalka guud ahaan.

Todobaad ka hor ayey ahyed markii Guddoomiyaha guddiga siyaasadda gobolka Sh/dhaxe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere uu sheegay in magaalada Jowhar aanay dowladdu ku nagaan karin maadaama ay tahay magaalo aad u yar.

Maxamed Dheer ayaa sheegay in loo baahan yahay sida uu Ra’isul wasaare Geeddi sheegay in magaalada Muqdisho dowladdu tagto anaguna sidaa ayaan raali ka nahay.

Dowladda Kenya ayaa u qabatay xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Nairobi ilaa 22-ka bishan inay uga ambabaxaan dalka Kenya haddii kale ay ku dhici doonto in la qabto ama sharci ay sameystaan

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post

Link to post
Share on other sites

Ra’isalwasaaraha DFKMG ah & Wafdi uu hogaaminayo oo galabta ka soo degay Jawhar

Jawhar-18.June.2005 Wafdi balaaran oo laba qaybood ka koobnaa uuna hogaaminayey Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali ayaa galabta maqribnimadii waxay ka soo degeen garoonka diyaaradaha degmada Jawhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdigan oo ka soo kicitimey garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi ayaa socdaalkooda wuxuu qayb ka yahay hawlaha Xukuumada Soomaalidu ay ugu soo guureyso gudaha wadanka.

Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubnihii la socdey ayaa waxaa siheer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Degmada Jawhar maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee hoos taga Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheer.

Wafdigan uu kala socdaalayey laba dayuuradood ayaa waxaa qaybtii hore horkacayey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Qaalid Cali Cumar waxaana ka mid ahaa wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmo dheere), Wasiiru Dawlaha Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Xasan ***** Yacquub Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle Xildhibaan Cabdullaahi Bille, Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Xildhibaan Maxamed Cismaan Moostaro iyo xubno kale.

Wafdiga qaybtiisa labaad oo uu hogaaminayey Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi oo la socdey diyaaradii labaad ayaa waxay garoonka Jawhar ka soo degeen casir liiqii, waxaana ka mid ahaa wafdigaas Wasiirka Kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** , Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile), Wasiir ku xigeenka Lacagta Mire Xaaji Faarax, Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Gen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Col.Cali Maxamed Xasan(Cali Madoobe), Xildhibaan Maxamed Cabdi Beekoos, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Cirro) iyo xubno kale

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar.

Qaar kamida Madaxda Sarsare ee DFKS oo si hufan uga degay Magaalada Jowhar

Posted to the Web Jun 18, 20:46

Raysal wasaaraha DFKS Mudane.Cali M.Geedi oo hogaaminaya wafdi aad u balaaran ayaa waxay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar.Wafdigan uu horkacayey Raysal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxmed Geedi oo ka koobnaa 18 xubnood ayaa dhamaantood waxay ku sugan yihiin Magaalada Jowhar.

Diyaaradii ugu horaysay ee ka degta Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaraa Xubno isugu jiray Labada Gole oo ka koobnaa 8 Xubnood ,ayaa waxaa kamid ahaa:

1-Khaalid Cumar Cali Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada

2-Salaad Cali Jeelle Wasiir ku xigeenka Warfaafinta

3-Xasan ***** Yacquub Xildhibaan

4-Cabdullaahi Bile Xildhibaan

5- Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmo dheere)wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa iyo xubno kale .

Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah oo ahaa Raacii labaad ee ka dhoofa Garoonka Wilson Airport ayaa waxaa socdaalkiisa waxaa ku weheliyey Xubno ka koobnaa labada Gole ee Dawladdda oo gaarayey 10 Xubnood,wuxuuna ahaa wafdihii ugu cuslaa ee ka dega garoonka Magaalada Jowhar kuwaasoo ay ka mid ahaayeen:

1-Cali Maxamed Geedi Raysal wasaaraha Soomaaliya

2-Xasan Abshir Faarax Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

3-C/risaaq Cismaan Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah

4-Cabdalla Deerow ***** Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

5-Mire Xaaji Faarax Wasiir ku xigeenka Lacagta

6-Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji

7-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cali Maxamed Xasan iyo xubno kale oo badan

Magaalada Jowhar ayaa si fiican loogu soo dhoweeyey labadii wufuud ee halkaas ka kala degay,waxayna shacabka magaaladasi ay u ruuxayeen caleemo qoyan iyo calanka Soomaaliyeed oo ay dadku la safnaayeen magaalada jidadkeeda.

Si kastaba ha'ahaatee Maanta ayey u suurta gashay qaar kamida madaxda Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan Wadanka Soomaaliya kadib markii uu dhamaaday khilaafkii weynaa ee u dhaxeeyey qaar kamida madaxda Soomaaliyeed,khilaafkaas oo looga gudbay jid siyaasadeed.

Warar hoose ayaa iyagana sheegaya in Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliyeed Col.C/laahi Yuusuf Axmed oo ku soo beegan yahay Magaalada Jowhar Asbuucan horaantiisa ,isagoo wadanka dibadiisa ugu baxay kulano caalami ahaa oo ka dhacayey wadanka Qadar.

Madaxweynaha wadanka Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa hada waxay kusugan yihiin Wadanka Yemen, kadib markii Casuumad ay ka heleen Madaxdweynaha Wadankaasi Saalax Cadala Saalax,halkaas oo uu ku dhex-dhexaadinayo labadan masuul.

Puntlandpost.com

Geedi iyo Wafdigii la Socday oo Dhowaan Magaalada Jawhar ka Degay

Liibaan Cali

Cali Maxamed geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta 5:30 xilliga geeska Africa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe.

Wafdiga ra'iisuwasaraha ayaa la socday labo diyaaradood oo mid ka mid ah oo xildhibaanno iyo wasiirro saarnaayeen ay soo gaartay garoonka jowhar 5:20, taasoo ay la socdeen wasiirro siddeed ah oo uu ka mid yahay wasiirka kalluumaysiga iyo badda Xasan Abshir Faarax.

Wafidgan dowldda ka socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada jowhar ku soo dhaweeyay xubno uu hor kacayay Maxamed dheere oo isagu garooka tagay wax yar ka hor markii wafdigu soo gaareen ka dib markii uu xaqiiqsaday in imaatinka Geedi uu dhab yahay.

Soo dhawaynta dadka ayaa ahayd mid ka yar sidii horay loo arki jiray,waxana qaar ka mid ah dadka reer Jowhar oo aan la xiriirnay sheegeen in aanay u bareeri karin waxa ay ugu yeereen lug-gooyo la mid ah tii ay la kulmeen maalinkii dhawayd ee ay garoonka diyaaradaha saacado badan ku sugayeen madaxwayne c/laahi yuusuf oo markii dambena duullimaaadkii diyaaraddiisa loo weeciyay dhinaca magaalada jabuuti.

Wafdi uu horkacayay Ra'iisal Wasaare Geedi oo maanta Jowhar ka degey

cali_maxamed_geedi22.jpg

June 18, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

Wafdi balaaran oo laba qaybood ka koobnaa uuna hogaaminayey Ra’isal-wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa galabta maqribnimadii ka soo degey garoonka diyaaradaha degmada Jawhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdigan oo ka soo kicitimey garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi ayaa socdaalkooda wuxuu qayb ka yahay hawlaha Xukuumada Soomaalidu ay ugu soo guureyso gudaha wadanka.

Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubnihii la socdey ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Degmada Jawhar maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee hoos taga Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Wafdigan uu kala socdaalayey laba diyaaradood ayaa waxaa qaybtii hore horkacayey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Qaalid Cali Cumar waxaana ka mid ahaa wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo dheere), Wasiiru Dawlaha Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Xasan ***** Yacquub Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle Xildhibaan Cabdullaahi Bille, Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Xildhibaan Maxamed Cismaan Moostaro iyo xubno kale.

Wafdiga qaybtiisa labaad oo uu hogaaminayey Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi oo la socdey diyaaradii labaad ayaa waxay garoonka Jawhar ka soo degeen casir liiqii, waxaana ka mid ahaa wafdigaas Wasiirka Kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** , Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile), Wasiir ku xigeenka Lacagta Mire Xaaji Faarax, Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Gen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Col.Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe), Xildhibaan Maxamed Cabdi Beekoos, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Cirro) iyo xubno kale

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Ra'iisal Wasaare Geedi oo maanta Booqdey Meelo ka mid ah Gobolak Shabeelaha dhexe

June 19, 2005

Ra'iisal Wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa maanta booqdey xaafado ka tirsan degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo meelo muhiim ah oo ka tirsan degmadaasi.

Cali Maxamed Geedi oo ay la socdeen qaar ka mid ah xubnaha ku jira labada gole ee dowlada federaalka ayaa Booqdey xaafadaha Horseed iyo kanaalka Shiinaha, iyada oo ra'iisal wasaarahana uu la hadley dadweynaha ku dhaqan xaafada Horseed.

Booqashadan ra'iisal wasaaraha ayaa noqotay tii ugu horeysay ee ra'iisal wasaaraha uu ku maro degmada Jowhar, tan iyo markii uu shalay soo gaaray degamadaasi.

Maalintii shalay ayay ahayd markii wafdi ka tirsan dowlada federaalka oo uu horkacayay ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ay soo gaareen Magaalada Jowhar.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this