Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xooggan oo baabi’iyay xarunta ganacsiga Fadhi-same ee magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689140998111.jpg?resize=720%2C54

Dab xooggan ayaa saaka qabsaday xarunta ganacsiga Fadhi-samo ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dabka ayaa lagu soo warramayaa in uu ka bilowday qarax ka dhacay gudaha xarunta inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin sida wax u dhaceen.

Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay xarunta ganacsiga Fadhi-samo waxaase markii danbe lagu guulaystay in la demiyo sida ay wararku xaqiijinayaan.

Sidoo kale dad kala duwan ayaa ku dhaawacmay dabka waxaana xogaha qaar tilmaamayaan in ay jirto dhimasho balse si dhab ah looma xaqiijin karo.

PUNTLAND POST

The post Dab xooggan oo baabi’iyay xarunta ganacsiga Fadhi-same ee magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this