Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Liibiyaa Xukuno adag ku riday dad ka ganacsada Aadmiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad Liibiyaa
Xukuno adag ku riday dad ka ganacsada Aadmiga

Liibiya(Qaran)-Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa xukun adag dul dhigtay dad lagu eedeeyay ka ganacsiga aadmiga gaar ahaan tahriibinta dadka sharci darada doonay inay ku galaan qaarada Yurub.

Eedaysanayaal tiradoodu dhan tahay todoba iyo sodon oo hore ciidamada ammaanka dalkaasi u soo qab qabteen, ayaa maxkamada la hor geeyay kuwaas oo xukuno kala duwan ay maxkamadu ku riday.

Sida wararka laga helay dalka Libya ayaa cadeeyay in shan ka mid ah magafayaashan la maxkamadeeyay lagu xukumay xabsi daayin oo inta noloshooda ka hadhay ay ku dhamaysan doonaan xabsiga.

Sidoo kale maxkamada ayaa xadhig u dhexeeya 15-sano ilaa hal sano ku xukuntay 32-kii xubnood ee soo hadhay, soo qab-qabashada xubnahaas ayaa ka danbaysay ku lug lahaanshaha doon macmal ah oo dhawaan ku qaraqantay badda Mediterranean-ka taas oo ay ku dhinteen 11 ka mid ahaa Tahriibayaashii saarnaa.

Dhammaan dadkaasi la xukumay ayaa lagu eedeeyay in ay kaalin weyn ku lahaayeen abaabulka Tahriibayaasha ku safrayay doontaasi qaraqantay oo ku sii jeeday xeebaha dalka Talyaaniga.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muhaajiriin badan ay dhibaatooyin kala kulmaan gacanta kooxaha mukhalasiinta iyo maamulada xarumaha xabsiyada ee dalka Liibiya.

Liibiya ayaa waxaa hadheeyay colaado iyo qalalaase tan iyo markii xilka laga tuuray Korneyl Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this