Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Yuusuf Faarax oo ku soo biiray golaha wakiilada oo la dhaariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

1-2.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa dhaariyay mudane Yuusuf Faarax Warsame Ducaale, oo ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa 10/07/2023-ka dhaariyay Mudane Yuusuf Faarax Warsame Ducaale, kadib markii Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen 01/07/2023-ka, codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo jagada ka banaanaatay Golaha Wakiillada JSL, iyagoo tixraacayay warqada sumadeedu tahay GW/G/38/1009/2023, kuna taariikhaysan 24/06/2023-ka taasi oo Golaha Wakiilladu kaga codsaday Guddida Doorashooyinka Qaranka in la soo buuxiyo jagada uu banneeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo is casilay. Isla markaana tixraacaya warqada sumadeedu tahay GW/G/18/106/2023, kuna taariikhaysan 19/06/2023 ujeedadeeduna tahay aqbalaad is-casilaad taasi oo Guddida Joogtada ah, ee Golaha Wakiilladu ay is-casilaada kaga aqbashay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed xilkii Guddoomiye-nimo iyo xubinimaddii Golaha Wakiillada ee uu iska casilay.
Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu Qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this