Deeq A. Posted July 11, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay shir uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho. Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa. Afhayeen Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynihii hore ee Farmaajo uu shirkaan uga cudur daartay ay tahay maadaama uu leeyahay ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey. “Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka cudur daartay inuu ka qayb galo maadaama uu ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey leeyahay,” ayuu yiri Cabdirashiid oo la hadlay idaacada BBC. Si dhab ah uma cadda sababta rasmiga ah ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga baaqsaday shirka uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, marka laga imaado in ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyay uu leeyahay. Shirkaan oo lagu waday inuu maalinta berri ah ka furmo Villa Somalia ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu dib u dhac ku yimid, xilli ay magaalada Muqdisho soo gaareen masuuliyiin uu madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay shirkaan, kaasi oo uu kamid yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran. Sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif ayaa horey madaxweynaha uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran. Siyaasiyiinta uu hadda casuumay Xasan Sheekh ee la filayo inuu la fariisto ayaa war ay ku mideysan yihiin ka soo saaray markii uu soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga oo dhigayey in wax laga bedeli doono nidaamka ay u dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya iyo muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda. Markii laga reebo Farmaajo, saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii isbaheysa uu la ahaa Xasan Sheekh ayaa si adag uga hor yimid in dalku uu u guuro nidaamka Madaxtooyada, in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi iyo in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu soo baxay heshiiskaas wuxuu soo saaray qoraal uu ku muujiyey inuu taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod oo lagu galo nidaamka xisbiyada, balse wuxuu soo jeesiyey wadar-ogol ay u baahanyihiin qodobada qaar ee heshiiskii golaha wadatashiga qaran ku jiray.The post Go’aanka Farmaajo ee shirka Xasan Sheekh ku casuumay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites