Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka taqaan halka uu Soomaalida uga yimaado maandooriyaha kansarka laga qaado ee dhalinyaradda ku dhex faafay?

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Maxaad ka taqaan halka uu Soomaalida uga yimaado maandooriyaha kansarka laga qaado ee dhalinyaradda ku dhex faafay?

Taabuu

Taabuuga waa nooc ka mid ah tubaakada aan qaaca lahayn, waxaa loo yaqaannaa Chewing Tobacco (tubaakada la calaliyo), ama Snustobbacco iyo Smokelles tobacco.

Tubaakada la calaajiyo waa mid caan ah oo ka mid ah kuwa aan qiiqa lahayn, wuxuuna isticmaalkeedu ku badan yahay bulshooyinka qaaradda Aasiya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa la sheegay in isticmaalkiisa uu ku batay dhalinyarada Soomaalida, oo rag iyo dumarba isugu jira, Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) agaasimaha isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Waa tubaako afka la gashto laakiin tubaakada caadiga ah ayaa wuxuu uga duwan yahay muuqaalka iyo dhadhanka, wuxuuna ku jiraa bac sijil ah, wuxuu shabbahaa nacnaca, wuuna ka jaban yahay tubaakada ama sigaarka, waxaa sahlan in qof walba uu iibsado.

Alaabo badan oo tubaakadu ay ku jirto laguma sheego oo lama qeexo inay ku jirto.

Dadka ayaa laga yaabaa inay cunaan waxyaabo aysan waxba ka ogeyn.

Xarunta Nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ee Hiil oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho, ayaa daraasad ay dhowaan ka sameeyeen isticmaalka maandooriyaha iyo ardayda degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxay ku xuseen in taabuugu ka mid yahay maandooriyeyaasha ugu badan ee ay dhalinyaradu isticmaalaan.

Sida uu Soomaaliya ku soo galo

Taabuu

Taabuuga laguma beero dalka Soomaaliya, balse wuxuu ka yimaadaa wadamada caalamka, sida uu daraasaddiisa ku xusay Dr Jalaaludiin.

Dalalka uu berigii hore ka imaan jiray waxaa ka mid ah Kenya, oo la soo raacin jiray diyaaradaha qaadka, balse wuxuu sheegay in haatan si toos ah looga keeno dalka Hindiya, isaga ka soo gala dekadaha waaweyn ee uu leeyahy dalka.

Wuxuu dhaqtarku sheegay in meesha ugu badan ee uu ka soo dego ay tahay dekadda Muqdisho, marka Soomaaliya la eegana, halka ugu badan ee laga isticmaalo ay tahay magaalada Muqdisho.

Hindiya waa mid ka mid ah dalalka ugu badan caalamka ee laga isticmaalo taabuuga.

“Cilmi baaris laga sameeyay dalka Hindiya ayaa sheegaysa in 40kii ilbiriqsiba uu qof u geeriyoodo dhibaatada taabuuga, sidaasi waxaa ku socda dadka ku nool magaalada muqdisho haddii and wax laga qabanin oo ay dowladda qaadin tallaabo looga hortagayo halista taabuuga.” Ayuu daraasaddiisa ku yiri Dr Jalaaludiin.

Xarunta Hiil ayaa ardaydii horay u sheegay inay isticmaalaan maandooriyaha marka ay weydiisay meesha ay ka helaan marka ay u baahdaan isticmaalka maandooriyayaha, badankooda oo ah 51 una dhiganta (52%) ardayda la wareystay, waxay sheegeen in ay ka helaan dukaamada yaryar oo inta badan cooshado ah. (22%) waxay sheegeen inay ka helaan asxaab, maaddaama aysan rabin in la arko ayaga oo gadanaya maandooriyaha.

Sidoo kale 15 iyo 10 arday oo u kala dhiganta 16%), iyo (11%), waxay sheegeen inay ku helaan si bilaasha ah iyo qoyska dhexdooda.

Xarunta Nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ee Hiil ayaa wareysatay arday ay da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 20 sano.

Ilaa 97 arday oo ah (26%) ayaa sheegay in ay khibrad u leeyihiin si xun u isticmaalka mukhaadaraadka iyo maandooriyahaba, oo uu taabuugu ku jiro.

Sidoo kale Dr Jalaaludiin ayaa sheegay in bulshada kale ee taabuuga isticmaasha ay ka mid yihiin darawallada gawaarida isaga gooshta gobollada dalka, caasilayda iyo bajaajta, ciidamada qaar iyo kuwo kale.

Wuxuu dhaqtarku sheegay in sababta ay u isticmaalaan ay tahay inay ka helaan nashaad iyo firfircooni.

Halista caafimaad

Tubaako

Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) oo daraasad ka sameeyay isticmaalka taabuuga ee magaalada Muqdisho, wuxuu ka sameysan yahay maaddada Nicotine (nikotayn) oo ah maaddo aad sida uu sheegay dhaqtarku khatar u leh caafimaadka. Guud ahaana sigaarka iyo tubaakada noocyadeeda ayaa waxaa sidoo kale ku jira maaddadaan (nikotayn).

Waxaa laga soo dhoofiyaa dalalka Hindiya iyo Bangladesh, waxaa sidoo kale ku jira looska areca, caleenta betel, waxyaabo kala duwan oo dhadhan u yeelaya, dhir iyo sidoo kale tubaako.

Waxyaabaha ku jira ayaa laga yaabaa in la isku dardaro kaddibna la baceeyo oo la iibiyo.

Tubaakadan ma aha qaali si fudud ayaana loo heli karaa.

Si kastaba, ma jiraan shuruuc adag oo ka taalla tubaakada la calaajiyo ama taabuuga, sida sigaarka oo kale.

Way adag tahay in la iska daayo

tubaako

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Taabuuga waa mid aad loo qabatimo waxaana lala xiriiriyaa khatarta kansarka afka, cudurrada cirridka ku dhaca iyo xanuunnada wadnaha.

Dhaqanka ruugidda tubaakada, waxaa lala xiriiriyaa dhaqanka bulshada Koofurta Aasiya ka soo jeedda.

Maaddaama aysan ka oollin shuruuc adag, waxay dad badan ku fekeraan inuu ka halis yar yahay noocyada kale ee tubaakada.

Keliya maaha inuu sababo kansarka afka, balse waxaa sidoo kale laga qaadaa kansarka dhuunta iyo caloosha, sida ay dhaqaatiirtu sheegeen

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this