Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Sheegay in Amniga Caasimadda uu Wanaagsan Yahya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo degmada Yaaqshiid kaga qeyb galayay munaasabadda mahadcelinta guddigii agaasinka Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1-da Luulyo ayaa sheegay in amniga caasimadda uu yahay mid wanaagsan.

Guddoomiyaha ayaa tusaale u soo qaatay in maalintii Xoriyadda 1-Lulyo lagu dabaal degay garoonka Muqdisho Stadium, taas oo ay ka qeyb galeen shacabkii ugu badnaa tan iyo burburkii dowladnimadii Soomaaliya, isaga oo shacabka caasimadda uga mahadceliyay wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale guul ku tilmaamay in degmada Yaaqshiid lagu qabtay xafladdii gunaanadka iyo mahadcelinta guddiga, taas ay ka qeyb galeen Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya, wasiirro, xildhibaanno, guddoonka gobolka Banaadir iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

“Guushu sideedaba ruux kaliya ma keeno, iskaashi ayey ku timaadaa, Amniga aan ku naalooneyno oo suurto geliyay in goob kasta la tago, bulshada magaalada Muqdisho iyo mus’uuliyiinteeda kale duwanaa iyo hey’adihii amniga oo gacmaha isqabsaday ayaa lagu gaaray, iygana waxaan leeyahay aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin, marka waxaan rabnaa inaan iskaashanno oo gacmaha isqabsanno”  ayuu yiri.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe amniga uu ahaa mid kasoo reynaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, tan iyo markii la howlgaliyay ciidan lagu magacaabo Police Militaire, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this