Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo soo bandhigtay madixii Zakawaadka Al-Shaabaab ee G/Mudug oo dhaawac ah

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2023-07-10-at-5.03.41-AM-

Hobyo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu usoo gacan galay Xaashi Garaad Cali kadib howl-gal ka dhacay deegaan hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo howl-galkaan si wada-jir ah uga fuliyay deegaanka Baraag Ciise oo hoostaga Hobyo, ayaa waxaa lagu dilay laba ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Deegaanka Baraag Ciise ayay ciidamadu ku weerareen goob ay si dhuumaalaysi ah isugu dayayeen inay dadka lacago uga qaadaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xaashi Garaad Cali oo ahaa Horjeege si wayn looga yaqaanay deegaanka.

Xaashi Garaad ayaa la sheegay inuu ku caan-baxay baadda iyo dhaca xoolaha dadka reer miyiga ah, uuna shaqadaas u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa imanaya, iyada oo ay shalay howl-gal culus iyo duqeymo iyo ka dhaceen duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbasa Hoose.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkaas ayaa shaaca ka qaaday inay ku beegsatay deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka magaaladaas, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Howl-gallada oo dhacay saddex jeer ayay dowladdu sheegtay in mid kamid ah ay ciidanka xoogga dalka, ciidanka dowlad-goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah habeen hore ilaa shalay subaxdii uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afmadow.

Si kastaba, dowladda ayaa maalmihii dambe dardar-gelinaysay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli bishii hore uu hakad ku yimid, waxaana dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

The post Daawo: DF oo soo bandhigtay madixii Zakawaadka Al-Shaabaab ee G/Mudug oo dhaawac ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this