Sign in to follow this  
Deeq A.

Dunida Islaamka oo Ay Ka Socdaan Dibadbaxyo Lagu Diidan Yahay Gubista Kitaabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Caalamul Islaami waxaa wali ka socda dibadbaxyada looga soo horjeedo falkii Kitaabka Qur’aanka lagu gubay gudaha Sweden, waxaana duunidu siweyn ay u cambareysay arrintaan, iyaga oo wadamada qaar laga diiday badeecada Sweden laga keeno.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaa raaligelin ka bixisay arrintaas, waxaana wadamada Islamka ah gaar ahaan Turkiga, Muratania, Afganistan, Ciraaq iyo Yemen ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay falkii lagu gubay Musxafka.

Arrintaan uu ku kacay wiil u dhashay dalka Ciraaq kuna nool dalkaas ayaa saameyn badan ka dhalisay caalamka Islaamka, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dunida ka kala dhacayay dibadbaxyo lagu diiday falka lagu gubay kitaabka Qur’aanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this