Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan La Qaatay Waf Ka Socday WFP

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.
Kulanka ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, Taageerada Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, Shaqo Abuur dhalinyarada iyo Kaalinta  WFP ee horumarinta deegaannada la xoreeyay.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this