Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir FIQI oo shaaciyey in ciidankii Gorgor lagu beddelay ciidan cusub oo la yiraahdo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Fiqi.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa shaaciyay in ciidamadii Gorgor ay bedeleen kuwa kale oo la yiraahdo Khaalid Bin-Waliid.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Khaalid Bin-Waliid la yiraahdo oo shalay ka baxay magaalada Muqdisho ay door muhiim ah ka qaadanayaan sidii dalkaan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab.

Guutada Khaalid Bin-Waliid ayuu wasiirka sheegay inay kusii jeedeen goobaha dagaalka ee ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab isku hor fadhiyaan.

“Ciidamadeen haddii Gorgor iyo Haramcad la dhihi jiray shalay waxaa baxday guuto la yidhaahdo Khaalid Bin-Waliid, oo inay soo afjarto kooxahaan u baxday meelaha yar-yarka ah ee gobollada dhexe,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalim Fiqi.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa naga go’an in aan kooxahaas dalka ka qabano, waana hadafka koowaad. Ciidankii weynaa ee la filayay ee howl-galkii Libaaxa Madow la dhihi jiray isaguna goordhow ayuu bilaabanayaa.”

Saxaabiga Khaalid bin Waliid (Allah ha ka raali noqdee), oo kamid ahaa geesiyadii saxaabada ee diinta usoo dagaalamay, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Jeneraalkii ugu wanaagsan ee militari ee dunida soo maara, ayada oo abid aan looga guuleysan dagaal uu galay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in ciidamadan loogu magac daray Khaalid bin Waliid ay yihiin kuwo dhawaan uun tababar dibadda ah kasoo laabtay, kana yimid dalka Masar, iyagoo 3,000 askari oo kamid ah dalka Masar lagu soo tababaray, oo ay taageereyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan ayaa ku hubeysanaa hub iyo gaadiid cusub, waxaana laga dareemayay inay qabaan tababar ka duwan ciidamada kale, iyadq oo muddooyinkan aysan dowladd Masar ciidamo tiradaas ah u soo tababarin Soomaaliya.

The post Wasiir FIQI oo shaaciyey in ciidankii Gorgor lagu beddelay ciidan cusub oo la yiraahdo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this