Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: President Faroole chairs cabinet + visits new armed forces: PICS

Recommended Posts

Shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen xukuumadda Dowladda Puntland.

Monday, 14-Sep 2009

Garowe,Puntland:Shir kan aan caadiga ahayn ayaa maanta waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Dowladda Puntland..

shirkan ayaa waxa looga hadlay warbixino dhowr ah oo ku saabsan safaradii dibedda iyo gudaha ee Madaxweynaha iyo weftiyadii uu horkacayey ay ku soo mareen dalka dibadiisa iyo gudahiisa,waxaa kaloo isna ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha oo ka warbixiyey xaaladdii ka taagnayd degaanka Gobolka Bari oo uu dhowaan wasiirka iyo xubno guddi ah oo ay ku tageen degaanadii ay ku dagaalameen Beelaha walaalaha ee degaanka Ufayn.

Shirkan ayaa waxa maanta shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud.

Furitaankii shirkaasi ayaa waxa ugu horraynba lagu furay siday caadadu ahayd Ayaadaha Quraanka Kariimka ah.

Intaasi ka dibna waxaa hadalkii furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyey safarkii ay ku aadeen dalka dibadiisa ee wadamada kala ah Maraykanka,Engiriisk a,Emaaraatka.Madaxwe ynaha ayaa intaasi waxa uu ku daray in shirkii Washiton ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya waayo ma ayan joogin cid kale sida DFKG ah iyo Maamulka Soomaaliland oo iyana shirka lagu casuumay,markaa waxaanu qaadanay in aan kala hadalno Shirka Washiton arrimaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Burcadbadeed iyo arrimaha Bani’aadanimada,kula nkaasi waxaanu ka soo gaarnay guulo la taaban karo,hadana aan sugayno jawaabihii codsiyada aanu gudbinay iyo Talooyinkii,sidoo kale waxaanu la kulanay Jaaliyada ku dhaqan Maraykanka ee u dhashay degaanka Puntland.sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay is arkeen Madaxda Dowladda Ingiriiska iyo Jaaliyadaha ku dhaqan London,madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay isaga iyo weftigiisu ay la kulmeen markii ay soo mareen Emaaraatka Ganacsato Carab ah,Amiirka Kuweyt iyo Raasulkhayma iyagan waxyaabo badan ayaanu isla garanay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in safaradii dibedda ay ahaayeen kuwa loo baahnaa guulna aanu ka gaarnay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii gudaha ee uu ku tagey isaga iyo weftigiisii ballaarnaa ee ay ku tageen Gobolka Mudug,Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay warbixin dheer oo ku saabsan Gobolka Mudug iyo wixii u qabsoomay sida in ay u sameeyeen Maamul Gobol iyo Mid degaan oo ay dadku si aad ah u soo dhoweeyeen kana raali noqdeen,hadana uu weli ku sugan yahay Madaxweyne ku xigeenka Cabdisamed Cali shire si uu u soo dhameeyo wixii harsanaa,Madaxweynah a ayaa waxa uu intaasi raaciyey in ay dhowaan dib u eegis lagu samayn doono Garsoorka oo runtii aad looga cabanayo.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Garowe: Madaxweyne Faroole oo kormeero maanta ku sameeyey Xarumo kala gedisan.

15. september 2009

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud ayaa kormeero kala duwan ku sameeyey Isbitaalka magaalada Garowe iyo Xerada ciidamada ee 54aad ee duleedka Caasumada Puntland, isagoo Madaxweynuhu ka jeediyey halkaasi khudbado ku aadan xaaladaha Puntland iyo Kormeerkiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa usheegay Cutubyo ka mid ah ciidamada dawladda Puntland oo uu la hadlay in ay ka shaqeyaan xaaladaha amaan iyo xasiloonida ee Puntland, isagoo ku booriyey ciidamadaasi in ay dhameystaan tababarada hada usocda.

Madaxweyne Faroole ayaa usheegay Saraakiisha ciidamadaasi in ay si wanaagsan Tababaro usiyaan ciidamadan oo uu ku sheegay kuwii hanan lahaa, amaanka iyo howlaha ciidamada ee Puntland ee laga maarmaanka ah.

Saraakiisha iyo Macalimiinta ciidamadan ayaa ka balan qaaday Madaxweynaha dawladda Puntland in ay ciidamadaasi ka dhigi doonaan ciidamo wanaagsan, ayna siin doonaan dhamaanba tababaradii ciidan uu lahaan jiray.

Dr, Faroole ayaa kula dardaarmay ciidamada uu booqday ee tababarka ku jira, in aysan ku dhaqmin qabyaalada oo uu sheegay in ay tahay wax xun oo la dagay Soomaaliya, isagoo shaaciyey in ay dadka Puntland oo dhan isku mid yihiin, ayna usiman yihiin Sharciga Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Isbitaalka Caasumada Puntland ee Garowe oo maalmihii ugu dambeeyey laga dayrinayay xaaladihiisa, wuxuuna Madaxweynuhu soo booqday dhamaanba Cusbitaalka oo uu qol-qol ugalay xaaladaha ka jira.

Madaxweynaha Puntland ayaa warbixino kadhageystay Madaxda Cusbitaalka, Shaqaalaha iyo Dhibanayaasha Jiifa oo uu qaarkood dul tagay, oo uu alle uga baryay in uu caafimaad wanaagsan siiyo, isagoo balan qaadyo usameeyey qaarkood in dibada loo dhigayo ah.

Shaqaalaha iyo Maamulka Isbitaalka ayaa ugudbiyey Madaxweynaha baahiyo badan oo ku aadan waxyaabo ubaahan yahay Isbitaalka, oo ay ugu horeeyaan Koronto la'aan, Mushaar La'aan iyo qodobo kale, isagoo Madaxweynuhu isla markiiba amray in Xooga korontada ee magaalada Garowe ay koronto deg deg ku galiyaan Isbitaalka, mushaaraadkana uu sheegay Madaxweynuhu in ay dawladdiisu waxqabad ka sameyn doonto.

Maamul-xumo baahsan ayaa lasheegay in ay soo martay Isbitaalka Garowe, mudooyinkii ugu dambeeyey, sida ay qireen qaar ka mid ah Madaxda dawladda Puntland iyo Shaqaalaha, taasoo keentay in wax ka badal lugu sameeyo Hanaanka Maamulka ee Cusbitaalka magaalada Garowe.

Kormeerka shaqo ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud uu maanta ku soo sameeyey goobaha kala duwan ayaan aheyn kii ugu horeeyey, isagoo marar badan tagay goobahan uu maanta booqday, qaarkood gaar ahana Xerada Ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54aad.

F. C. Maxamed

AllPuntland

Faraalo_Cisbitaal.9.JPG

Barqanimaddi Maanta ayaa Madaxweynaha Dowaladda Puntland abdirahman Mohamed Mahamuud Faroole Waxaa uu booqasho ku Tegey Goobo Muhiim ah Oo ku yaala Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Meelahaas oo ay ka Mid ahaayeen Xaruunta Ciidamadda Meleteriga ee 54 aad iyo Xaruunta Cusbitaalka Guud ee Caasimadda.

Madaxweynaha ayaa Waxaa uu aad uga hadlay Arimaha Caafimaadka Cusbtaalka Guud ee Garoowe isagoo booqashoyin ku kala bixiyey qaybaha kala duwan ee Cusbitalka Halkaas Oo uu ku Soo booqday Dhamaan bukaanka Cusbitaalka jooga Waxaana Madaxweynuhu Sheegay in ay Wax badan u qaban Doonaan.

Waxyabaha aan u qaban doono Waxaa ka mid ah Shidaalka Maalintii ee Cusbitaalka iyo Weliba Korontadda aan ka bixin doono Waxaa kaloo Oo aan Siinaynaa buu yiri lacago loogu Tala Galay Dadka Cusbtaalka Sidaasi Waxaa yiri .

Madaxweynaha ayaa Waxaa uu hugaaminayey Madax kale Oo ka Socda Dowladda Waxayna Tageen Oo kale Xeradda Meleteriga ee 54-aad Halkaas Oo uu ku Soo booqday Ciidamadda Meleteriga Dowaldda Puntland Oo halkaasi Xudun u Tahay ayna Tahay Xeradda Guud ee Ciidamadda Meleteriga Puntland.

Maahan Markii ugu horaysay Oo ay Dowaladda Faroole ay Wax ka Qabatto Caafimaadka balan qaadyo Noocaan Oo kale ahna ka Samayso Cusbitaaladda Wawayn ee Puntland hadda ka hor ayaa Dowladda iyadoo kaa shanaysa Ganacsatadda Reer Puntland ee Magaaladda bosaso Waxay Bilaabeen Dhismaha Cubitaalka Wayn ee Magaaladda Bosaso.

Abdirahman Mohamed

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this