Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ku Ridday Xubin Ka Tiran Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo lagu eedeeyay ka tirsanaanta Al-shabaab.
Duqow ayaa Al-shabaab  kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah sida uu sheegay Duqow.
Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay inuu deganaa xaafadda Ceeltimir ee degmada Dayniile, isaga  oo lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.
Ciidanka ammaanka ayaa 14 May sanadkaan ayaa Yusuf  qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan, sida ay shaacisay maxkamadda.
Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka Yusuf Duqow Xuseen.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this