Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga iyo Kuwa Jubbaland oo Howllo Kawada Deegaanka Xagar

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa la wareegay deegaanka Xagar ee gobolka Jubaada hoose, waxaana halkaas ciidanku ay ka bilaabeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa shacabka deegaanka kula hadlay goob fagaaro ah,  iyaga oo kala hadlay in laga wada shaqeeyo amniga deegaanka Xagar.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sidoo kale ayaa uga Mahad celiyeen sida diiran ee ay usoo dhaweeyay iyagoo shacabka  ka dalbaday inay ciidanka kala shaqeeyaan amniga iyo dagaalka Al-shabaab.
Ciidanka Huwanta ah ee xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbalanad ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose iyo qeybo ka tirsan Gedo.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this