Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad isku qoys ah oo qarax lagu beegsaday gobolka HIIRAAN + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
qaraxa-lafoole.jpg?fit=720%2C405&ssl=1

Buulo-burde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasasaaraha ka dhashay qarax miino oo gelinkii dambe ee Axaddii shalay dad shacab ahaa lagula eegtay deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buulo-burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay mooto ay la socdeen dadkaasi, waxaana goobta ku dhintay dad isku qoys ah oo sidoo kale ahaa beeraley.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, oo shan kamid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah.

Sidoo kale saddex kale ayaa la sheegay inay ahaayeen Aabe iyo laba wiil oo uu dhalay, kuwaas oo iyana  goobta ku geeriyooday, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Duqa degmada Buulo-burde Saadaam Cabdi Iidow oo ka hadlay dhacdadaan ayaa ka warbixiyay, wuxuuna sheegay in dhammaan sideeda qof ay wada geeriyoodeen.

“Dadkaan Family ayay ahaayeen beerahooda ka imaaday mooto saddex lugooley ah ayay wateen qaraxa ayaana haleelay intoodiina waa geeriyoodeen” ayuu yiri Saadaam Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka dhintay oo isku qoys ahaa ay ahaayeen todobo rag ah iyo hal dumar ah, wuxuuna ku eedeeyay qaraxan inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.

“Sideed ruux ayay ahaayeen hal dumar ah ayaa ku jiray inta kale rag waayey waa wada geeriyoodeen, waana calaamado lagu yaqaano Khawaarijta marka laga taag roonaado” ayuu mar kale yiri duqa degmada magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, weerarkan qaraxa loo adeegsaday ee dadka shacabka ah lala beegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Shabaab.

The post Dad isku qoys ah oo qarax lagu beegsaday gobolka HIIRAAN + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this