Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Xirsi “Muuse kolba wax ha Keeno ama Maxkamad ha geeyo ka hadhi mayno”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Xirsi “Muuse kolba wax ha Keeno ama Maxkamad ha geeyo ka hadhi mayno”

London- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo socdaal ku maraya Ingiriiska ayaa taageerayaasha iyo qurbajooga ugu baaqay inay samir yeeshaan.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Guddoomiye Xirsi istiikar ay ku xardhan yihiin weedho farriin ah oo uu soo saaray.

“Muuse Kolba wax ha keeno ama Maxkamad ha geeyo ka hadhi mayno, isbeddel baynu dhalinaynaa waana berrito ee samirkeeda yeesha,isku duubnaada qurbajoogow annagaa kaalintiina idiin og inta caadifadda ahna ka reeba oo kalsooni nagu qaba,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Hadalkiisu wuxuu ku soo beegmay xilli komishanka doorashooyinku ay hawshii cayimaada doorashootinka isku dhaafiyeen maxkamadda sare, si ay u muddayso doorashada Ururrada siyaasadda iyo Madaxtooyada ta la horaysiinayo, tallaabadaasi oo labada xisbi mucaarid sharci darro ku tilmaameen, maxkamadana uga digeen in aanay dhex gelin wax aan shaqadeedii ahayn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this