Sharif_seylaci Posted October 14, 2006 Wefti Ka Socda Shirkadda Shakigu Ku Gedaaman Yahay Ee Sougueta Engineering Oo Dalka Soo Gaadhey Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 14 October, 2006 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Somaliland.org) – Waxa galabta ka soo degey gegida Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa wefti ka kooban saddex nin oo la sheegay inay ka socdaan shirkad Jarmal ah oo maalgashi ku samaynaysa Somaliland. Saddexdaa nin waxa la sheegay inay ka socdaan shirkad lagu magacaabo Sougueta Engineering oo uu Madaxweyne Riyaale sheegay dhowaan inuu la soo saxeexday Heshiis maalgashi oo ay ku baxayso lacag dhan 250 ilaa 300 oo Milyan oo Doollar, meelaha ay maalgashanayaana – sida uu sheegay – ay ka mid tahay Wershed Shibidh, Dhuxul-dhag koronto laga dhalinayo iyo soo-saarista Macdanta loo yaqaano Gypsum. Saddexdaa nin oo ay Madaarka ku soo dhoweeyey Wasiirka Wershedaha, mudane Maxamed Saleebaan iyo Wasiirka Qorshaynta mudane Cali Ibraahim Maxamed, waxay weriyayaasha u sheegeen in ay u socdaan sahaminta saddexda Mashruuc ee shirkaddoodu maalgelinayso. Weftiga oo la weydiiyey lacagta ku baxaysa saddexdaa mashruuc inta ay noqonayso, waxa ay sheegeen in ay ku xidhan tahay sahanka ay iminka samaynayaan waxa ka soo baxa, balse aanay iminka cayimi karin adduunka ku baxaya. Shirkada Sougueta Engineering ee ay ninkaasi ka socdaan ayaa shaki weyn la geliyey jiritaankeeda iyo xaqiiqada heshiiska Madaxweyne Riyaale sheegay inuu la saxeexday. Mar arrintaas wax laga weydiiyey, xubnaha weftigaasi waxay sheegeen in aanay taas iminka ka jawaabayn, waxayna su’aashaas ka muujiyeen cadho. Intaas kadibna wasiirka Wershedaha ayaa joojiyey waraysigii weriyayaashu qolka VIP-da kula yeelanayeen weftigaas. Waxa kale oo ay diideen inay weriyayaasha siiyaan magacyadooda iyo masuuliyadaha ama xilalka ay ka hayaan shirkaddaas ay ka socdaan. Bariga magaalada Berbera ayaa ka mid ah meelaha la filayo in weftigaa lagu sheegay Jarmalka la soo mariyo si ay u soo sahamiyaan. Maalmahan dambena waxaa deegaanadaas bariga Berbera laga dareemayey dhaqdhaqaaqyada dad xukuumaddu u dirtay iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan oo loo malaynayo inay u gogolxaadhayaan weftigan. Dadka deegaanka Bariga Berbera ayaa iyaguna dareen weyn ka qaba dhaqdhaqaaqyada xukuumadda ee ku wajahan deegaankaas xeebta bariga Berbera. Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sharif_seylaci Posted October 15, 2006 its a great invesment the will be starting before 2007 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sharif_seylaci Posted October 15, 2006 its a great invesment the will be starting before 2007 Quote Share this post Link to post Share on other sites