Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhibaatada Soomaalida ka haysata Hyderabad India

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhibaatada Soomaalida ka haysata Hyderabad India:

Qaybta-1aad.

Ummadda soomaaliyeed oo ah ummad adduunka korkiisa ay ku haysata dhibaatooyin badan oo qaarkood ay sababeen khilaafka aan dhammaadka lahayn ee ka haysta inay ku heshiiyaan nidaam duwali ah oo arrimahooda u quma, iyo xumaanta dhexdooda taalla ee qabyaaladda ayaa markii waddamada ay degganyihiin ay ka waayeen adeegyada nolosha sida caafimaadka iyo waxbarashada waxay u safraan waddamo aad uga fog oo lacag badani kaga baxdo. Waxaa kaloo waqti kaga lumaa  helista dal ku galkooda ama VISA-waddamada oo ay muddo badan sugaan.

Waxaa waddamadaas ka mid ah INDIA gaar ahaan magaalada HYDERABAD  oo soomaalida ka timaadda shanta soomaalidu degto iyo xataa waddamada adduunka ee ay ku kala firidhsanyihiinba ay ay usoo safraan.

Dhibaatooyinka ku haysta waddamadaas waxaa loo kala saari karaa shan dhibaato oo waaweyn kuwaasoo qaarkood deegaanka ay tageen ka imanayaan kuwa kalena iyagu isu geysteen waxaana ka mid noqon karaya:-

1.Helista Visa-ha India

Dhibaatada dal-ku galka India oo ah waddan sabool ah oo ku yaalla waddamada Aasiya oo marka loo eego waddamada adduunka kale VISA-hooda ku siiya si fudud oo weliba jaban laakiin soomaalida ka imanaysa koonfurta soomaliya, Somaliland ,soomaalida Itoobiya iyo Soomaalida Kenya waa ku dhibtoodaan waayo dadka soo dalbanaya ayaa badan.

Waxay taasi keentaa iney muddo badan sugaan oo xataa qofkii oo lacagta uu caafimaadka ugu baxayo ee uu wataa ay koobantahay ay kaga dhammaato kireysashada hotelada addis-ababa iyo Nairobi  iyo masaariiftooda.

Dadkaasi oo markoodii horeba ahaa dad xanuunsan waxaa ka mid ah qaar lacagtan loosoo qaadhaamay ama dad qaraabo ahi ka bixiyeen ama si kale kusoo helay oo aan awoodin waqti badan oo ka luma.

  1. Dhibaatooyinka safarka dheer ee Itoobiya iyo Kenya iyo dal-kugalkooda

Waxaa dadkaas ku dhaca iney markay usoo safrayaan Addisababa iyo Nairobi soo dalbadaan fiisayaal kale oo waddamadaasi leeyihiin isla markaas  sharciyada socdaalka  meel walba lagu weyddiiyo qaarkoodna dhibaato loo geysto, sida lacago laga qaato oo laaluush ah oo dad aan waxba awood u lahayni been u sheegaan arrinkaasoo soomaalidu dhaqan ahaan aad mooddo iney xiisooto in wax sharci ay ku helayaan ay laaluush iyo luuq-luuq marow ka doorbidaan.

Dadkaasi waxaa qaarkood dhexda ka hela soomaali kale oo waddamadaas deggan oo been u sheega oo odhanaya waan kuu soo dhammaynayaa visaha ee keen lacag, anaa khad deg deg ah kuu haya, anaa meel fudud kuu haya, anigaa safaaradda la saaxiib ah, anigaa wax kuu turjumaya.

Dadka soomaalida oo dhaqan duurgalnimo ku abuurantahay waxaa qaarkood xabsiyo ku galaan wax aanay iska hubsan oo qof cidla ka helay ku akhriyey ama xataa waxay ku keentaa in safarkoodii caafimaad kala dhantaalmo oo ay dib u noqdaan iyagoon hawshii ku guuleysan.  La soco – – – –

Yuntani Gimma

yuntanigimma@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this