Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gebiley oo shaaciyay in ka goostay Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, guddoomiyihii hore ee gobolka Gebiley, Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu iskaga baxay Somaliland.

Muuqaal uu kusoo wadaagay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu haatan ku sugan yahay deegaanka Kalabeydh oo koofur ka xiga magaalada Laascaanood.

“Safarkan waa mid aan idinku caddeynayo inaan ka baxay maamulkii Somaliland ee aan ka tirsanaa ee aan la shaqeynayay. Waan ogaadadkeygu weligood ma taageersaneyn Somaliland,” ayuu yidhi.

Bishii January sanadkii 2019, ayuu madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, u magacaabay Cabdiqani Maxanuud Jiidhe guddoomiyaha gobolka Sool.

Haddana dabayaaqadii sanadkii 2021, ayuu Madaxweyne Biixi xilalka guddoomiyenimada u kala beddelay isaga iyo guddoomiyihii Gebiley.

Badhasaabka gobolka Gabiley ayaa markaas loo magacaabay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, iyadoo Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye loo magacaabay badhasaabka Sool.

Bishii May ee sanadkan, ayuu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday Cabdiqani Jiidhe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this