Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada BF ku metala Puntland oo ku dhawaaqay go’aan culus

Recommended Posts

Deeq A.   
358724980_823021689187913_39041282248738

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baaralamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xiisadda ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan doorashada.

Warkan oo ay si wadajir ah u soo saareen afar xildhibaan iyo lix senator oo maalmahan ku sugnaa Garoowe ayaa marka hore ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda taagan, sidoo kalena la’isugu yimaado wadahadal, si xal loo gaaro.

Sidoo kale waxay go’aamiyeen, isla-markaana ay soo jeediyeen in hadda la joojiyo furista dastuurka iyo la qabto doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Nugaal.

Waxa kale oo ay dalbadeen in la ilaaliyo jadwalka doorashada, isla-markaana lagu qabto xilligeeda oo ah 8 Jenuary ee 2024-ka.

Halkan hoose ka aqriso:- 

  1. in sadexda dagmo ee Gobolka Nugaal ee golayaasha Deegaanka ee diiwaan galintoodu dhacday ka harsan, la qabto doorashadooda oo golayaashoodda deegaanka la soo doorto.

Magacyadda Mudanayasha

  1. San. Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde
  2. San. Cabdiqani Geele Maxamed
  3. San. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab
  4. San. Sareedo Maxamed Jayte
  5. San. Saynab Ismacil maxamed ( Tiimbiye)
  6. San. Maxamed Cabdi Cismaan (Maajino).
  7. Xil. Sahra Cabdullahi Bundunte
  8. Xil. Cabdullahi Bidhaan Warsame
  9. Xil. Cali Yuusuf Calixoosh
  10. Xil Cismaan Cali Yusuf
The post Xildhibaanada BF ku metala Puntland oo ku dhawaaqay go’aan culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this