Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Dahabshiil Group Oo Deeq Lacageed Ugu Deeqday Suuqii Jigjiga Ee Gubtay

Recommended Posts

Deeq A.   

F0iSleCWwAE45av.jpeg

Shirkadda Dahabshiil Group waxa ay kaalmo lacageed oo dhan 20 million birr ugu deeqday dadkii ka ganacsan jiray suuqa magaalada Jigjiga ee uu wax yeeleeyay dabkii suuqaasi qabsaday.

Dabkaasi oo ay ka dhasheen khasaare hantiyadeed oo baaxad leh, Shirkadda Dahabshiil Group waxa ay sidoo kale daboolka ka qaaday in aan wax khidmad ah ayna shirkadu ka qaadan doonin wixii caawimo ah ee loo diraayo gudigiga dib u dhiska Suuqa Jigjiga

Waxana ay shirkaddu ku boorisay qurba jooga iyo kuwa gobolkuba in ay ka qayb qaataan iyaga oo taageeradooda marinara gudiga degdega ah ee dib u dhiska iyo taakulaynta loo sameeyay.

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa has iyo gooraale gar gaarta dadka gobolka ee masiibooyinka noocani ahi ay ku dhacaan iyo sidoo kale Abaaraha iyo daadadka sida fatahaadaha wabiyada iwm.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this