Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Suudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar cirka ah oo ciidamada Sudan ay ku qaadeen caasimadda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiisha .

Haween iyo carruur ayaa ka mid ah dadka la laayay, sida ay BBC-da u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Weerarkan cirka ah ayaa subaxnimadii hore ee sabtida ka dhacay degmada Daarusalaam ee Omdurman, oo ku taal daanta ka soo horjeeda wabiga Niil ee caasimadda Khartoum.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa milateriga ah ayaa tan iyo bishii April ku dagaallamayay gacan ku heynta caasimadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this