Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Puntland ku matala Baarlamanka Federaalka oo war ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1688887748381.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaano ka kala socda labadda golle ee Baarlamaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ku matala Puntland ayaa soo saaray baaqan hoose oo ku saabsan Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland taas oo ka dhalatay khilaafka arrimaha furista Dastuurka iyo doorashada 2024:

Xildhibaano ka kala socda labadda golle ee Baarlamaanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ku sugnaa mudo ku dhaw bil Garoowe, ayaa la kulmay Madaxweynaha, Madaxwayne kuxigeenka, Guddoonka baarlamaanka, Isimada ku sugan Garoowe, Bulshadda rayidka ah ee PUNSA, qaar ka mid ah Ururo siyaasadeedyadda Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadda Mudanayaasha ayaa daarnaa xal u hellidda khilaafka siyaasaddeed ee ka taagan caasimadda Puntland (Garoowe), iyo guud ahaan Puntland.

Sidoo kale waxa ay qayb ka mid ah Sanataraddu ay kala qayb galeen bulshadda Puntland dood wadaag furan oo doorashadda Puntland ku saabsanayd oo ka dhacday PDRC.

Xildhibaanada labadda Golle ayaa sidoo kale bulshada ku nool magaalada Laascaanood kala qayb galay munaasabadii 1-da Luulyo oo muddo 16 sano ka baddan aan Laascaanood lagu xusin, calan Soomaaliyeedna laga taaginin.

Dhamaan kulamaddas waxa ay mudanayaashu kagala hadlayeen cidkasta oo ay la kulmaan, khilaafka siyaasadeed ee Puntland ka taagnaa ee gacan ka hadalka gaaray, in amniga Puntland la xoojiyo, muranka doorashaddana wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo, in sumcadda caasimadda Puntland si wada jira loo ilaasho, ayadda oo muddanayashu ay daddaal dheer u galeen in aan muranka doorashadda ee taggan uusan dhiig ku daadan, aysanna taas ku guulaysanin.

Haddaba mudanayaasha oo gudanayey waajibkoodda Dastuuriga ah ee ka saaran Puntland oo ah deegannka ay ku matalaan Soomaaliya waxa ay usoo jeedinayaan, Xukuumadda, Baarlamanka, Madaxdii horre ee Puntland, Issimadda, waxgaradka, culumadda, Bulshadda Rayidka ah, iyo siyaasiinta reer Puntland, qodobadaan hoos ku qoran:

1. in la adkeeyo difaaca gobolka Sool lagana qeyb-qaato xorreyntiisa si wadda jirra Bulshadda oo isku duuban.

2. in si wada jira aan uwadda ilaashano amniga Puntland guud ahaan, gaar ahaana kan caasimadda oo ah muraayaddi Puntland.

3. In gabi ahaanba la joojiyo wax ka badalka Dastuurka Puntland, oo sababay in dhiig reer Puntland isku daato, lagana waantoobo in Baarlamaanka Puntland ku dhaqaaqaan waxkasta oo dhibka sii kordhin kara, oo ay ugu horayso in wax laga baddalo Dastuurka qoddobaddisa.

4. Maadama wakhtigii xukuumadda Puntland ee hadda jirta uu gabagabo yahay, aysana suurta gal ahayn in doorasha qof iyo cod ah xiligeedi lagu qabto, doorashadda Puntkand la qabto 8-da January 2024, waqtigeediina ku dhacdo laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xulli jiray xubnaha Baarlamaanka.

5. in sadexda dagmo ee Gobolka Nugaal ee golayaasha Deegaanka ee diiwaan galintoodu dhacday ka harsan, la qabto doorashadooda oo golayaashoodda deegaanka  la soo doorto.”

Wabilaahi Tawfiiq.

Magacyadda Mudanayasha

1. San. Cabdulaahi cali xirsi Timacadde
2. San. Cabdiqani Geele Maxamed
3. San. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab
4. San. Sareedo Maxamed Jayte
5. San. Saynab Ismacil maxamed ( Tiimbiye)
6. San. Maxamed Cabdi Cismaan (Maajino).
7. Xil. Sahra Cabdullahi Bundunte
8. Xil. Cabdullahi Bidhaan Warsame
9. Xil. Cali Yuusuf Calixoosh
10. Xil Cismaan Cali Yusuf

FB_IMG_1688888694902.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1688888699202.jpg?resize=720%2C93

The post Xubno Puntland ku matala Baarlamanka Federaalka oo war ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this