Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo Cashuurta Shiidaalka Kordhisay si ay Shaqootin u abuurto

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya oo Cashuurta Shiidaalka Kordhisay si ay Shaqootin u abuurto

Nairobi(Qatan)-Madaxweynaha dalka Kiiniya Mr Wiliam Ruuto ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay fahmaan sababta loo kirdhiyay cashuurta xukuumadu ka qaado shidaalka iyo agabyada kale oo ah in xukuumaddu abuurto shaqooyin cusub iyo deymaha wadanka lagu leeyahay la bixiyo.

Mr Wiliam Ruuto waxa uu intaasi ku daray in shacabka Kiiniya looga baahan yahay in degnaansho iyo Samir ka yimaadaan kaas oo lagaga bixi karo sicir bararka ay dadku ka cabanayaan oo wakhti la siiyo Xukuumadda si loo kobciyo dhaqaalaha dalka , hasa ahaatee hoggaamiyaha mucaaridka dalkaasi Mr Rayla Odhinga oo u khudbad u jeediyay dadkii ku dibadbaxayay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ayaa dhaleecayn xoogan usoo jeediyay xukuumada dalkaasi isagoo ku tilmaamay in ay ku fashilantay habaynta dhaqaalaha dalka.

Mr Odhinga waxa kale oo uu ka dalbaday xukuumadda dalkaasi in ay xoriyadooda usoo celiso dadka ciidamada booliisku ay xidheen markii ay samayanyeen dibad baxayda salmiga ah isalamrkaa cadaalada la hor keeno askartii rasaasta nool ku riday dadkiisi dibad baxayay rasaastaas oo uu ku naf waayay hal muwaadin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this