Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ninka ay NISA xogtiisa bixisay ee keentay inuu Nuuraadiin Xaaji tago Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   
Mahad-Salaad-iyo-Nuuradiin-Xaaji.jpg?fit

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda sirdoonka Kenya ee NIS, Nuuradiin Xaaji, ayaa khamiistii la soo dhaafay socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Nuuradiin Xaaji ayaa caasimada Soomaaliya kulan la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale dhigiisa Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid ahaayeen iskaashiga xog isdhaafsiga labada sirdoon ee ku aadan ururka al-Shabaab iyo khataraha kale ee amni.

Ninka ay xogtiisa wadaageen sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya

Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, muwaadin u dhashay waddanka Kenya, oo udub dhexaad u ahaa saanad iyo qalab helista ururuka al-Shabaab ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Kenya.

Ninkaan ayaa sirdoonka Soomaaliya xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya kadib markii dekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay konteenar qalab ciidan siday bishii May ee sanadkaan, kaas oo sida naloo xaqiijiyay uu masuul ka ahaa ninkaan u dhashay Kenya.

Sirdoonka ayaa xilligaas sheegay in ay baaritaan gooni ah oo ay sameeyeen ku heleen xogta qalabka ku jiray konteenarka.

Ninkaan oo aan magaciisa naloo xaqiijin ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Mombasa ee waddanka Kenya. Sida lagu heshiiyay waxaa lagu maxkamadayn doonaa gudaha Kenya.

Dhanka kale sirdoonka Soomaaliya ayaa baaritaan ku wada shaqsiyaad kale oo loo maleynayo in ay ku lugleeyihiin alaabaha dibadda looga soo dhoofiyo ururka al-Shabaab.

Maxaa kale oo laga wada hadlay?

Iskaashi dhanka amniga ah, gaar ahaan dagaalka cusub ee lagula jiro al-Shabaab ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ay wadahadalka ka yeesheen labad masuul.

Is dhaafsiga xogta iyo sidoo kale ka warhaynta dadka isaga talaabaya xuduudaha labada waddan ee isku furan ayay sidoo kale diiradda saareen.

Ciidamada Kenya ee aan qaybta ka ahayn hawlgalka midowga Afrika ayaa horay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ugu heshiiyeen in ay qayb ka noqdaan wajiga labaad ee hawlgalka deegano badan looga xorayn doono al-Shabaab.

The post Xog: Ninka ay NISA xogtiisa bixisay ee keentay inuu Nuuraadiin Xaaji tago Xamar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this