Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer Ilaalinta Soomaaliya oo baaritaan ku samaysay ilaa 40 mas’uul oo ku eedaysan musuq maasuq

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaranka.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1

Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa mudda saddex bilood ah baaris ku sameeyay ilaa afartan ruux oo ku eedaysan musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa saddexdii bil ee la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo dhammaan dadkaas.

Mas’uuliyiinta baaritaanka la mariyay ayaa ku eedaysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed , sida ay tebisay wakaaladda SONNA.

Afartanka ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, halka tirada dhiman weli uu ku socdo Baaritaan dheeri ah.

PUNTLAND POST

The post Xeer Ilaalinta Soomaaliya oo baaritaan ku samaysay ilaa 40 mas’uul oo ku eedaysan musuq maasuq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this