Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: R/W Xamse oo wasiiradiisa ku sameeyey isku shaandheyn (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   
348847609_612763084124226_44269487095581

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa caawa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo sidoo kale soo magacaabay xubno cusub.

Isku shaandheyntaan ayaa saameysay wasaaradaha maaliyadda, shaqada iyo arrimaha bulshada, arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta.

Ugu horeyn Wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xilka laga qaaday, waxaana Maaliyadda Soomaaliya loo magacaabay Biixi Iimaan Cige oo ahaa wasiirkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo ah wasiir cusub ayaa loo magacaabay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, maadaama wasiirkii wasaaradaas loo wareejiyey wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Abuukar Jeylaani Sheekh ayaa loo magacaabay wasiiru dowlihii wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta.

Halka Saadaad Maxamed Nuur Caliyow loo magacaabay Wasiiru dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Wareegtadaan ayaa wasiirrada cusub lagu faray inay si deg deg ah ula wareegaan masuuliyadda loo igmaday, kadib markii la dhaariyo.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in go’aankaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka, isla markaana uu arkay in baahi badan loo qabo in la dardar geliyo shaqada xukuumadda.

Waa isku shaandheyntii ugu horeysay ee uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiska joogay muddo hal sano ah, waxayna saameysay afar ka mid ah 25-ka wasaaradood.

Hoos ka daawo

 

The post DEG DEG: R/W Xamse oo wasiiradiisa ku sameeyey isku shaandheyn (Daawo) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this