Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir gaar ah oo Garoowe uga socda Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230708_195700100-1.jpg?resize=7

Shir gaar ah ayaa hadda u socda Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Shirka oo ka socda Guriga Madaxweyne ku xigeenka ayaa looga hadlayaa xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Puntland oo la xiriirta furista Dastuurka iyo hubanti la’aata doorashada 2024.

Shirka ayaa imaanaya kadib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulan gaar ah oo habeen ka hor dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.

Axmed Karaash ayaa si weyn u diiddan Tallaabada Siciid Deni ku raadinayo in 18-ka bishan la guda-galo furista Dastuurka islamarkaana 30-ka bisha lagu dhawaaqo mudda kororsi laba sano ah.

PUNTLAND POST

The post Shir gaar ah oo Garoowe uga socda Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this