Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada dab damiska ee caasimadda Somaliland oo gurmad u tagay dabka ka kacay Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dab damiska ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu hor kacaayay maayarka Hargeysa mudane Cabdikariin Ahmed Mooge ayaa xalay gurmad balaadhan ugu baxay magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Somalida ee Itoobiya.
F0fdRa7XsAAhLz6.jpeg

F0fdRa-XgAAOmnP.jpeg

F0fdRa9WIAAKIiy.jpeg

Ciidanka dab damiska caasimada Somaliland oo ku gaashaaman qalabka dabsamiska oo ay ka mid ahaayeen booyadaha u gaarka ah ciidamada dab damiska ayaa xalay ka talaabay xadka labada dal u dhaxeeya waxana ay si laxaadleh uga qayb qaateen damintii dabkii ka kacay suuqa bacadlaha ee Jigjiga

Dab kana la midka ahaa ee sanad iyo xoogaa ka hor ka kacay magaalada Hargeysa ayaa ciidamada dab damiska ee Jigjigi ay u soo gurmadeen xiligaasi, taasi oo ka turjumaysay xidhiidhka soo jireenka ahaa ee u dhaxeeya labada dal F0fdRa9WIAAKIiy.jpeg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this