Jacaylbaro Posted December 18, 2008 Waraaq wareegto ah oo uu soo saaray Boqor Cabdillaahi King kong ayaa waxa uu ku sheegay inuu magacaabay gudi isimo ah oo eega sida ay u dhici doonto doorashada Puntland,kuwaasoo ay ka mid yihiin garaadada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle qaar ka mid ah. Qoraalkaas ayaa Boqor King Kong waxa uu sheegay in 7 isim ay la socon doonaan habsami u socodka hawlaha doorashada,iyagoo dhexgeli doona hadba qoladii is qabata,isla markaana ku dhawaaqi doonta qofkii guulaystey. Qoraalkan ayaa wuxuu bahdil ku yahay Garaadada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,iyagoo ka sharaf weyn inay noqdaan shaqaale ka shaqeeya hawlaha doorashooyinka,isla markaana ah oday dhaqameedyo aan siyaasad loo dooran,balse loo doortay hawlaha dhaqanka beelaha. Boqor King Kong ayaa aaminsan inuu yahay Boqorka Guud ee beesha *******,taasoo aan la hubin in dhamaan beeshaasi aaminsan tahay inuu jiro boqor guud oo dhamaan beeshu hoos timaado. Arintan ay Garaadadu qayb ka yihiin doorashooyinka Puntland ayaa waxay meesha ka saaraysaa,in Garaadada *********** ay ka soo go'een maamulka puntland,siday in badan sheegeen. Dhanka kale jamhad la sheego inay xoreyn doonto Laascaanood oo aan laogeyn meesha ay joogto,balse la sheego inuu jiro nin la yidhaahdo Garamgaram,ayaa waxa isku sawiray qaar ka mid ah musharaxiinta puntlan,taasoo kuu cadaynaysa in jabhadaasi tahay mid hoos tagta maamulka Puntland. Qoraalka Boqor King Kong ayaa u qornaa sian hoose: BOQOR C/LAAHI BOQOR MUUSE Ref. Bos/01/08 Boosaaso, December 16, 2008 Iyadoo sida la ogsoon yahay uu soo aaddan yahay xilli lagu guda jiro dhismaha Golaha Wakiilada iyo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka D/goboleedka Puntland,waxaa lagama maarmaan ah in la abuuro jawi ay hawlashaasi si hufan ugu fulaan. Waxaa muhim ah in la sugo nabadda iyo degganaanshaha Puntland lagana ilaaliyo wax kasta oo jiritaanka iyo magaca bulshadeena iin u yeeli kara. Sidaa daraaddeed waxaan gartay in guddi isimo ahi ka hawlgalaan: Inuu noqdo marjaca loo la noqonayo wixii khilaafaad ah oo ka dhasha xubinnimada Golaha Wakiilada ee uu u xil saaran yahay guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadku,iyadoo uu guddiga isimadu go'aan ka gaarayo wixii cabasho ah oo arrinta ku saabsan. Inuu goob-joog ka noqdo doorashada xilliga la qabanayo, si loo hubiyo inay u dhacdo si hufan. Guddigu waa: 1. Islaan Ciise Islaan Maxamed 2. Garaad Jaamac Garaad Cali 3. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin 4. Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud 5. Garaad C/laahi Cali Ciid 6. Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji C/laahi 7. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac 8. Suldaan C/qaadi Suldaan Cali oo ah wakiilka Boqorka Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu guddiga ku garab galo xilka culus ee hawshaan la xiriira. Dadweynaha Puntland waxaan ka rajeynayaa in lagu mitido midnimada, xasiloonida iyo nabadda Puntland. Eebbe talada ha na waafajiyo kuwii asiibana ha naga yeelo. Boqor C/laahi Boqor Muuse Afnugaal News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 18, 2008 Looks like in odaygii laga dul guurayba ,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 18, 2008 Looks like in odaygii laga dul guurayba ,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites