Sign in to follow this  
Deeq A.

“Baarlamanka maanta cashar ayuu u dhigay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” waxaa yiri…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaanada-baarlamanka-scaled.jpeg?fi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa xog rasmi ah ka bixiyay, waxa ay salka ku hayso doodda ee ka taagan baarlamaanka, taas oo ay maanta ka dhalatay xiisad xoogan.

Xildhibaanka ayaa marka hore si weyn u taageeray baaqashada kulankii maanta, isaga oo sheegay in goluhu uu ka hortegay qorshe laga soo abaabulay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani ay cashir u tahay kooxda soo abuubashay oo uu ku eedeeyay inay damacsaneyd in baarlamaanka ay wax u yeeriso, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa maanta Baarlamaanka ay cod-dheer ku diideen in wiil meel iska fadhiya uu inoo yeeriyo shaqadeena iyo sida aan u qabsaneyno. Waana rajeynaya inay kooxda soo abaabushay sharci-daradaasi ay maanta naga qaateen Cashar fiican oo ay ku kala barteen waxan nahay iyo waxa ay naga filayeen” ayuu yiri xildhibaan Cumar Cali Cabdi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale farriin u diray dhammaan xubnaha baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in laga rabo inay wada ilaaliyaan sharciga iyo xeer-hoosaadka u yaallo.

“Haddii aan nahay Baarlamaanka JFS  waxaa waajib nagu ah in aan ilaalino sharciga dalka iyo xeer-hoosaadka inoo qoran, kaasi oo ina faraya dhammaan wixii waajib ah iyo habka aan u gudano shaqadeena” ayuu mar kale ku yiri qoraal uu soo saaray Cumar Cali Cabdi.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in hay’adaha dowladda loo daayo mid kasto shaqadeeda, si loo ilaaliyo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taallo.

“Hay’addaha dowlada midkasta shaqadeeda in lagu tixgeliyo, oo looga danbeeyo ayaa la rabaa, ee hay’ad mid kale uma qori karto shaqadeeda” ayuu qoraalka kusoo gabahabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo kulankii maanta ee Golaha Shacabka uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday, kadib markii ay xildhibaanadu isku qabteen ajendaha kulanka.

Si kastaba, dood dheer oo sababtay in kulanka uu istaago kadib ayaa waxaa cod la geliyay in mooshinka ajendaha wax ka beddalka dib loo dhigo ama isla maanta laga doodo, waxayna xildhibaanada u codeeyeen in kulanka dambe laga dhigo, si la’isugu soo laabto.

The post “Baarlamanka maanta cashar ayuu u dhigay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” waxaa yiri… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this