Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo maanta Qardho kula shirsan boqor Burhaan boqor Muuse

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1688805666419-1.jpg?resize=720%2C

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo ka amba-baxay Garoowe ayaa gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Ra’iisul wasaarayaashii hore Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa Hoygiisa magaalada Qardho ku booqday, boqor Burhaan boqor Muuse, halkaas oo ay shir gaar ah kula leeyihiin Boqorka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa ku wajahan Qardho, ka hor inta aanu u bixin safarkiisa dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta.

Arrimahan ayaa imaanaya, xilli aan weli xal loo helin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan furista dastuurka iyo doorashada 2024, kaas oo sababay dagaalkii dhawaan ka dhacay Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo maanta Qardho kula shirsan boqor Burhaan boqor Muuse appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this