Sign in to follow this  
Deeq A.

Yurub oo ka Doonaysa inay Kordhiyaan Hubka ay Soosaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Yurub oo ka Doonaysa inay Kordhiyaan Hubka ay Soosaaraan

EU(Qaran)-Barlamaanka midawga Yurub ayaa shir ay yeesheen kaga dooday sidii loo kordhin lahaa Rasaasta ay wadamadaasi soo saaraan iyo soo saarista hub kale.

Xubnaha Barlamaanka ayaa ka dooday xeerka taageerida soo saarista Gantaalaha loo yaqaano ASAP,iyaga oo kulankooda ka dib isku raacay in la meel mariyo sharcigan iyo weliba qoondo maaliyadeed oo si lagu taageeraayo xoojinta awoodaha soo saarista rasaasta qoryaha yar yar loo isticmaalo iyo gantaalaha ASAP,waxa kale oo ay xubnahan Barlamaanka Midawga Yurub ka tirsani isku raaceen in wershadaha hubka ee Yurub ay soo saari karaan nooc cusub oo Madaafiic ah.

Qoondada miisaaniyadeed ee loogu talo galay in lagu soo saaro hubkan ayaa lagu sheegay in ay noqonayso 500 oo Milyan oo lacagta Yurub ah.

Qaybaha koowaad ee qorshaha casriyeynta hubka wadamada Midawga Yurub ayaa Barlamaanka Midawga Yurub uu ansixiyey bishii March ee sannadkan 2023, iyada oo waqtigan sharcigii lagu hagi lahaa laga sugaayo Baralmaanka.

Hubkan ayaa in badan oo kamid ah la filayaa in lagu taageero dawladda Yukrayn ee dagaalka kula jirta wadanka Ruushka,iyada oo sidoo kalena lagu sheegay mid lagu casriyeynaayo saldhigyadda difaaca ee Yurub.

Bliken iyo dullucda socdaalkiisa yar

USA(Qaran)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa la filayaa in uu gaadho qaar kamid ah wadamada Aasiya,isaga oo ka qayb geli doona munaasibaddo kala duwan oo dalalkaas ka dhacaaya.

Anthony Blinken ayaa la filayaa in uu gaadho dalalka Indonesia,Ingiriiska iyo Lithuania,isaga oo joogi doona dalalkaas 9 ilaa 15 July,waxaanu kulano la qaadan doonaa mas’uuliyiinta sar sare ee wadamadaas,sida lagu sheegay qoraal lagu qoray website-ka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Warkan lagu qoray website-ka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanku uu wadanka Indonesia kaga qayb geli doono shirka wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka iyo ASEAN.

Waxa uu sidoo kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ka qayb geli doonaa shirar lagaga hadli doono isbedelka Cimilada iyo iskaashiga dhaqaalaha,dhibaatada ka socota Myanmar,xaaladda badda koonfurta Shiinaha iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Anthony Blinken ayaa si gaar ah uga qayb geli doona shir lagaga hadlaayo iskaashiga Maraykanka iyo Indonesia, kaas oo uu shir-guddoomin doono wasiirka arrimaha dibadda ee Indonesia Retno Marsudi.

Dhanka kalena madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu wada in uu dhowaan gaadho dalka Ingiriiska,isaga oo dalkaas kaga qayb gelaaya shirka gashanbuurta NATO,kaas oo socon doona 9-ka ilaa 12-ka July.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sidoo kale tegi doona dalka Lithuania.

Jarmalka oo Shaaciyay in Aanay Hub Siinayn Ukraine

Barlin(Qaran)-Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in aanay hub siin doonin dawladda dalka Ukraine,iyada oo la filaayey in dhowaan ay dawladda Jarmalku rasaas ugu deeqdo ciidamada dalka Ukraine.

Wasiirka Gashandhigga ee dalka Jarmalka Boris Pistorius oo kulan la qaatay wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada Austria iyo Sweden ayaa sheegay in dalkiisu uu saxeexay heshiis mamnuucaaya soo saarista iyo isticmaalka hubka qaarkood.

Wasiirka Gashandhigga ee dalka Jarmalka ayaa cadeeyey in ay joojiyeen rasaastii ay ku taakulaynayeen ciidamada Ukraine,waxa uu sidoo kale Boris Pistorius sheegay in aanay dalkiisa khusayn bixinta hubka Cluster-ka loo yaqaana,isla markaana aanay bixin Karin.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirka Gashandhigga ee Jarmalku in rasaasta badan ee la isticmaala ay sababto dhimasho aan loo baahnayn,iyada oo mararka qaarna hubkani aanu qarxin,isla markaana uu dagaalka ka dib khasaare ballaadhan keeno.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this