Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dab xooggan oo xalay ka kacay suuq ku yaalla magaalada Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230708_053017959.jpg?resize=720

Dab aad u xooggan oo xalay ka kacay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga ayaa qayb ahaan la xakameeyay inkastoo aan weli lagu guulaysan demintiisa.

Dabka oo si xawli ah uga holcaya suuqa Taywaan ayaa laga xakameeyay in uu ku faafo suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee ku xeeran suuqa gubanaya.

Ciidanka Dab-demiska caasimadda Jigjiga oo kaashanaya shacabka magaalada ayaa weli la tacaalaya deminta suuqaas oo ay ku baaba’day hanti fara badan.

Waxaa sidoo kale weli socda gurmadka ka imaanaya magaalooyinka ka baxsan Jigjiga si ay qayb uga noqdaan deminta dabka ka holcaya suuqa.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dab xooggan oo xalay ka kacay suuq ku yaalla magaalada Jigjiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this