Sign in to follow this  
Deeq A.

D/Hoose Hargeysa Oo Dardar-gelisay Hanti dhawr maxali ah

Recommended Posts

Deeq A.   

D/Hoose Hargeysa
Oo Dardar-gelisay Hanti dhawr maxali ah

IMG-20230707-WA0012.jpg
IMG-20230707-WA0011.jpg

Hargeysa(Qaran)-Xafiiska Hanti-dhawrka Gudaha Dawladda Hoose Hargeysa, ayaa muddo Afar Maalmood ah tababar uga socday Hoolka Shirarka Dawladda Hoose Hargeysa, tababarka waxa bixinayey saraakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.

Mudadii uu socday tababarku, shaqaalaha hanti dhawrka gudaha lagu Tababarayay habka loo maro baadhitaanka dakhliga iyo kharashaadka waxa kale oo lagu baray shuruucda iyo xerarka hanti dhawrka.

Ugu danbayn shalay ayaa loo soo gabagabeeyey tababarkaas mudada u socday, xidhitaanka Tababarka waxa soo qayb galay Duqa Caasimadda Hargeysa iyo ku xigeenka Duqa Caasimadda, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Dawladda Doose Hargeysa, oo uga mahad celiyey saraakiishii tababarka waday iyo shaqaalihii ka faa’iidaystay casharadi socday afarta maalmood.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this